Waxaa maanta dalka Portugal ka dhacaysa doorasho si wayn loogu tartamayo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuusan jirin xisbi la filayo inuu ku guulaysto aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka.
Goobaha codbixinta oo furmay 8-dii subaxnimo ee saacadda dalkaasi ayaa soo xirmi doono abaare 8-da fiidnimo.
Doorashada ayaa imaanaysa iyadoo darasaadkii ugu dambeeyay ee la sameeyay lagu ogaaday in mid ka mid ah tobankii codbixiyeyaal uunan weli go’aansan cidda uu taageeraya.
Falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa sheegaya in natiijada ka soo bixi karto codeynta ay tahay mid furan oo aan wakhti xaadirkan la saadaalin karin.