Warbixin ay soo saartay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa lagu sheegay in iyagoo dagaallamaya la dilay ku dhawaad 2,000 oo ah carruur ay howlgelisay kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda dalka Yemen.
Carruurtan ayay da’doodu u dhexeysaa 10 ilaa 17 sano.
Waxaa warbixinta ku cad in hannaanka hubka ee ay kooxdu adeegsato ay ka hesho shirkado ku yaalla bariga dhexe , Yurub iyo Aasiya.
Warbixintan oo sanadla ah ayay khudburrada qaramada midoobay u bandhigeen golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Waxay intaasi ku dareen inay heleen caddeymo wax ku ool ah oo muujinaya in Xuutiyiinta ay caqiidadooda ku faafiyeen goobaha cibaadada iyo xerooyin halkaasoo ay ku askariyeeyeen carruurta iskudhacyada lagu dilay.
Waxaa warbixinta ku cad in 1,406 oo carruurtan ka mid ah la dilay sanadkii 2020-kii halka 562 kale ay dagaallada ku nafwaayeen sanadkii hore intii u dhexeysay bilihii koowaad ilaa shanaad.
In badan oo carruurtan ka mid ah waxaa lagu dilay magaalooyinka Amran, Dhamar, Hajjah, Hodeidah, Ibb, Saada iyo Sanaa.
Waxaa ay khubarradu dhaleeceeyeen adeegsiga carruurta ee dagaalka toddobada sano ka socda dalka Yemen, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan adeegsiga dugsiyada iyo masaajidda ee lagu askareeyo carruurta.
Waxaa ay ku taliyeen in cunaqabatayn la saaro kuwa arrinkan sameeya.