DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo shaaciyay sababta uu uga baxay OKA

0
650

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay sababta keentay inuu isaga baxo isbeheysiga OKA.
Isbeheysigan ayaa waxaa horay uga wada tirsanaa Musalia Mudavadi , Moses Wetangula , Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi.
Hasa ahaate 23-kii bishan ayay ahayd markii hoggaamiyaha ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay la shaqeyn doonaan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Musalia ayaa hadda sheegaya inuu go’aan qaatay ka dib markii ay u soo baxday in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta isbeheysiga OKA ay u janjeerayaan dhanka hiigisiga horumarinta bulshada ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Waxaa uu ku celceliyay in musharraxnimada Raila ay tahay mashruuc siyaasadeed oo sida uu hadalka u dhigay ay dowladdu wadato sidaas awgeedna uunan diyaar u ahayn inuu la safto.