Dowladda oo sheegtay in adeegga biyaha la gaarsiiyay boqolkiiba 70 ee deegaannada dalka

0
555

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in adeegyada biyaha oo sanadkii 2013-kii gaarsiisnaa boqolkiiba 53.3 ee deegaannada wadanka in hadda lagu guulaystay ilaa boqolkiiba 70.
Tani ayaa dad ay tiradoodu gaarayso 34.8 milyan oo qof u suurtagelisay inay helaan biyo nadiif ah.
Wasiirka wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dalka Sicily Kariuki ayaa sidoo kale sheegtay in hirgelinta bullaacadaha ee magaalooyinka waawayn oo sanadkii 2013-kii ahayd boqolkiiba 22 hadda ay tahay 29 boqolkiiba .
Kariuki ayaa intaasi ku dartay in qorshuhu uu yahay in baaxadda biyaha ee wadanka la gaarsiiyo boqolkiiba 80 iyo adeegyada maareynta wasaqda oo laga dhigaya ilaa boqolkiiba 40 ka hor dhammaadkan sanadkan.
Sidoo kale waxay wasiiradda hoosta ka xarriiqay in la waraabiyay dhul beereed dhan 650,000 oo eekar.
Waxaa qaybaha kala duwan ee wadanka laga wadaa mashaariic dhanka biyaha , waraabka iyo faya dhowrka ah oo gaaraya 685.
Mrs. Kariuki ayaa xustay in dhawaan xarigga laga jari doono 64 mashaariic ah oo ay ka faa’iidaysanayaan 2.7 milyan oo qof.