Maxkamad ku taalla DRC Congo oo dil ku xukuntay 51 qof

0
695

Waxaa lagu soo warramayaa in maxkamad militari oo ku taalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC ay xukun dil ah ku ridday 51 qof.
Dadkan badankoodu waxay ka maqnaayeen maxkamadda xilligii la xukumayay.
Waxaa lagu helay dembiyo ah inay ka dambeeyeen dilal sanadkii 2017-kii labo ka mid ahaa khuburrada qaramada midoobay loogu gaystay gobolka bartamaha ee wadankaasi.
Shakhsiyaad dhowr ah ayaa in ka badan afar sano wajahayay dacwado la xiriira dilalkii lagula kacay Zaida Catalan oo ka soo jeeday Sweden iyo Michael Sharp oo ahaa muwaadin u dhashay Maraykanka.
Saraakiisha xilligaasi la dilay ayaa baarayay rabshado u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo koox hubeysan kuwaasoo laga soo tabiyay gobolka Kasai .
Meydadka saraakiishan ayaa la helay 16 cisho ka dib markii la waayay.
Laamaha ammaanka ee DRC ayaa falkaasi ku eedeyay kooxda hubeysan ee Kamuina Nsapu .
Rabshadaha ayaa ka dhashay dil sanadkii 2016-kii gobolkaasi loogu gaystay guddoomiye xaafadeed.
Waxaa rabshadaha lagu dilay in ka badan 3,400 oo qof halka tobanaan kun oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen.