Laamaha ammaanka ee dalka ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo in weerarro argagixiso ay ka dhacaan dalka, ka dib digniin ay soo saareen qaar ka mid ah dowladaha reer galbeedka ee safaaradaha ku leh Kenya .
Afhayeenka booliiska ee dalka Bruno Shioso ayaa sheegay inuusan jirin walaac la xiriira weerarro argagixisanimo oo laga gaysanaya gudaha wadanka.
Waxaa uu xusay in waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee (NPS) aysan warbixin rasmi ka helin dowladaha shisheeye ee soo saaray digninnada ku saabsan in weerarro argagixisnimo ay ka dhici doonaan meelaha muhiimka ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Mr. Shioso ayaa si kastaba ha ahaatee kenyaanka u xaqiijiyay in badqabkooda u sugan yahay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in la adkeeyay ammaanka caasimadda dalka ee Nairobi iyo magaalooyinka kale ee wadanka.
Hadalka afhayeenka booliska ee Kenya Bruno Shioso ayaa daba socda ka dib, digniin shalay ay soo saareen dowladaha reer galbeedka sida Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaas oo muwaadiniintooda ku nool Kenya uga digay weerarro argagaxiso oo ka dhaca Nairobi, islamarkaana lala beegsado goobaha ay ku badan yihiin ajaanibta.
Safaaradda Faransiiska ee Kenya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda iyo guud ahaan kenyaanka inay taxaddar muujiyaan.
Sidoo kale safaaradda Jarmalka ayaa ku boorrisay muwaadiniinteeda ku sugan Kenya inay feejignaadaan marka ay bannaanka joogaan, kana fogaadaan meelaha dadka ay ku badan yihiin, gaar ahaan huteellada, goobaha laga cunteeyo, meelaha bannaan iyo xarumaha ganacsiga ee caasimadda.