Laga billaabo Talaadada soo socoto ee 1-da bisha labaad ee sanadkan , xarumaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaan qaabili doonin bukaannada isticmaalaya kaarka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin isbitaallada gaarka ah ee KAPH, Cabdi Maxamad.
Go’aanka ay qaateen ayuu u aaneeyay in aan weli la cusbooneysiin qandaraaska kala dhexeya waaxda NHIF oo ku eg dhammaadka bisha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan la guda gelin wada hadallada ku aaddan sii wadidda heshiiska.
Waxaa uu intaasi ku daray in marka la isbarbardhigo adeegyada caafimaad ee ay xarumahan fidiyaan iyo qarashaadka ay bixiso waaxda caymiska qaran ee NHIF aynan isku dhigmin sidaas awgeedna ay culeys ku noqotay inay u sii adeegaan bukaannada kaarkan isticmaalaya.