Waxaa dalka ku sugan wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo xeerarka dhanka amniga.
Josep Borrell Fontelles ayaa sidoo kale ah ku xigeenka hoggaamiyaha guddiga Midowga Yurub.
Galinkii dambe ee shalay ayuu wadanka safar rasmi ah ku yimid waxaana gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Ababu Namwamba.
Mr.Josep Fontelles ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Labada mas’uul ayaa si wadajir ah u daahfuri doono barnaamij soconaya ilaa 2027-ka oo ay Kenya iyo Midowga Yurub iskaga kaashanayaan dhanka horumarka.
Barnaamijkan ayaa lagu maalgelinayaa lacag dhan 324 milyan oo Euro una dhiganta 41 bilyan oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Mr. Josep uu shir laba geesood ah la qaadan doono wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Ambasadoor Raychelle Omamo ka hor inta aynan warbaahinta faahfaahin ka siin iskaashiga EU-da iyo Kenya.