Hoggaamiyaha dalka oo kulan la qaadanaya madaxda amniga ee wadanka

0
501

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaadan doono mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dhanka amniga.
Afhayeenka State House Kanze Dena Mararo ayaa laga soo xigtay in shirka diiradda lagu saari doono u diyaar garowga ku aaddan maareynta ololaha siyaasadeed iyo doorashada guud ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Mrs. Dena ayaa hoosta ka xarriqday in kulanka ay ka qayb geli doonaan iskuduwayaasha dowladda dhexe ku matalo gobollada ama ismaamullada , taliyaasha booliska iyo saraakiisha sirdoonka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay dhawaan weerarro ka dhaceen ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.
Kulanka maanta ayaa ku soo aadaya maalmo un ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka Dr. Fred Matiang’i uu sheegay in amniga Kenya uu sugan yahay.
Matiang’i oo xusay in halista argagixisada ay weli jirto ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa uu tilmaamay in rabshadaha mararka qaar la soo tabiyo ay yihiin kuwo salka ku haya in shacabka loo qaybiyo lacago uu muran ka dhasho iyo musharraxiinta oo aan ballanqaadyada oofin.