Hoggaamiyayaal ka tacsiyeeyay geerida taageerihii caanka ahaa ee kubadda cagta Kenya

0
803

Waxaa isa soo taraya kenyaanka u tacsiyadeynaya qoyska uu ka baxay taageerihii caanka ahaa ee kubbadda cagta ee dalka Isaac Juma, kaas gelinkii dambe ee shalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla galbeedka magaalada Mumias ee ismaamulka Kakamega.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay dileen koox aan wali la aqoonsan.
Juma, waxa uu ahaa shakhsi si weyn looga yaqaanay kubbada cagta Kenya ilaa dhimashadiisa, isagoo taageera wayn u ahaa kooxaha kubadda cagta ee maxalliga ee sida AFC Leopard iyo Home Boyz.
Waxaa uu sidoo kale taageera wayn u ahaa xulka kubadda cagta Kenya ee Harambee Stars.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka mid ah madaxda ugu horreysay oo tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday madadaaliyihii taageerayaasha kubadda cagta ee wadanka.
Dr. Ruto ayaa Isaac Juma ku sifeeyay inuu ahaa saxiib wanaagsan, kaftan badan iyo taageera kubbadda cagta, islamarkaana uu murugada la qaybsanayo qoyska uu ka baxay iyo bahda sida gaarka ah u daneysa kubbada cagta.
Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Juma, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa taageero dhiirigeliya cayaartooyda oo garoomada uu booqda uu xamaasad farxadeed ka dhex abuuri jiray.
Barasaabka ismaamulka Kakamega Dr. Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida Isaac Juma.
Waxaa uu sheegay in Juma uu ahaa qof xiiseeya kubbadda cagta oo soo jiitay howlaha isboortiga gobolka galbeedka dalka iyo guud ahaan wadanka.
Xisbiga ODM ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada kaga tacsiyeeyay geerida ruugcaddaagan.
Waxaa uu xisbiga intaasi ku daray in Isaac uu sidoo kale si wayn u taageersanaa hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Xisbiga ayaa sidoo kale dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dilka loo gaystay Juma xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in muran dhul loo dilay.
Shabakadaha cayaaraha ee Goal Africa iyo Futaa- Premier All-football- ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u direen qoyskii uu ka geeriyootay Juma.
Dhanka kale taliyaha booliska ee ismaamulka Kakamega Xasan Barua ayaa sheegay in arrintan ay baaritaan ku wadaan.
Juma ayaa horaan degganaa ismaamulka Nakuru, balse waxaa la sheegay inuu dhawaan u guuray magaalada Mumias ee ismaamulka Kakamega si uu u ilaashado dhul uu lahaa oo shakhsiyaad aan la magacaabin ay doonayeen in dhacaan.
Dadka deegaanka ee deriska la ahaa ayaa sheegay in dad aan la aqoonsan ay in muddo ah doonayeen in dhulkiisa dhacaan.