Askari qof ilaalo ah ku dilay Ukraine

0
344

Mid ka mid ah ilaalada warshad uu leeyahay militariga dalka Ukraine ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhintay toogasho uu kula kacay askari ka tirsan ciidamada wadankaasi.
5 qof oo kale ayay dhaawacyo soo gaareen.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in askariga uu rasaas ku furo goobtaasi oo ku taalla bartamaha Ukraine oo lagu magacaabo Pivdenmash laguna sameeyo hubka gantaallada ah.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay aroornimadii hore ee maanta.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in askari toogashada gaystay uu goobta ka baxsaday oo la raadinaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo militariga Ukraine uu wajahaya khatar kaga soo fool leh dhanka Ruushka oo lagu eedeyay inuu duullaan damacsan yahay in kastoo xukuumadda Moscow ay dhaliishaasi iska fogeysay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here