William Ruto oo ololihiisa geeynaya Kiambu

0
455

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa la filayaa inuu maanta gaaro ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka si uu shacabka halkaasi ku nool uga dhaadhiciyo inay bisha siddeedaad ee sanadkan ku taageeraan qabashada hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka.
Ruto ayaa adeegsanaya qorsho ah in kobcinta dhaqaalaha dalka laga soo billaabo meel hoose.
Waxaa uu dadaal ku bixinayaa sidii uu u hanan lahaa taageerada ganacsatada yaryar, dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo danyarta.
Socdaalka Ruto uu ku tagaya Kiambu ayaa abaare 10-ka barqanimo ee maanta ka billaaban doono degmada Uthiru Gichagi ee deegaan baarlamaneedka Kabete.
Waxaa uu 11-ka barqanimo u sii gudbi doonaa deegaanka Kikuyu oo uu ka furaya mashruuc dhanka waxbarashada ah.
William Ruto ayaa lagu wadaa inuu isku soo bax siyaasadeed ku qabto xarunta ganacsi ee Kinoo iyo Zambezi .
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa isna maanta qaabili doono siyaasiyiin isaga soo baxay xisbiga ANC ee uu hoggaamiyo Musalia Mudavadi oo dhawaan ku biiray Ruto.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa isku soo baxyo ku qaban doono ismaamulka Kitui.
Waxaa Musyoka wehelinaya ganacsade Jimi Wanjigi oo sidoo kale u hanqal taagaya xilka madaxtinimo ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here