Darasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee Umlaut ayaa lagu ogaaday in Safaricom ay tahay shirkadda isgaarsiineed ee ugu adeegga wanaagsan gudaha dalka.
Waxaa si gaar ah cilmi baarista loogu eegay tayada iyo xawaaraha khadka , wicitaannada iyo daatada ee shirkadda oo loo barbardhigay kuwa kale ee ka jiro Kenya.
Waa sanadkii afaraad oo xiriir ah oo Safaricom ay shirkadaha kale ee isgaarsiinta ku hoggaaminayso dhanka adeegyada .
Madaxa fulinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa arrinkan soo dhaweeyay wuxuuna sheegay in ay dadaalkooda sii laba-jibbaari doonaan.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii shirkadda Safaricom ay furtay in ka badan 1,600 xarumood oo cusub si sare loogu qaado adeegyada intarneetka .