Waddamada reer galbeedka oo baaq dhanka amniga ah u diray dowladda Mali

0
601

Waxaa lagu soo warramayaa in 14 dowladood oo uu Faransiiska ka mid yahay ay maamulka haya talada dalka Mali ugu baaqeen inuusan gudaha wadankaasi ka soo saarin ciidamada Denmark.
Hasa ahaate maamulka ku meel gaarka ah ee Mali ayaa dalbanaya in ciidamadaasi gaarka ah ay sida ugu dhaqsiyaha badan halkaasi uga baxaan.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Jeppe Kofod uu sheegay in ciidamadooda ay Mali ku galeen casuumaad rasmi ah.
Hasa ahaate dowladda Mali ayaa hadalkaasi ku tilmaantay mid lala yaabo maadaama codsigii ay Denmark dirsatay bishii lixaad ee sanadkii hore ee ahaa inay saraakiisheeda gaarka ah wadankaasi geeyso aan weli go’aan kagama dambeys ah laga qaadan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu billaabay inuu yareeyo tirada ciidamada ee dalkiisa kaga sugan gudaha Mali oo ah in ka badan 5,000 oo askari.