Kenya oo cambaareysay weerarro ka dhacay Afghanistan

0
395

Dowladda Kenya ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada lagu bartilmaameedsado rayidka ee laga gaysto gudaha dalka Afghanistan.
Waxaa ugu dambeeyay weerar ay kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ka fulisay magaalada Khorasan ee gobolka Herat.
Farriinta cambaareynta ee Kenya waxaa soo saaray ku xigeenka wakiilka dalka u qaabilsan qaramada midoobay Micheal Kiboino.
Xilli uu la hadlay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayuu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay hal cod ku dalbato in kooxda Taalibaan ay xaqiijiso inay ka go’an tahay la dagaalanka argagixisada.