Ruushka:Xayiraad khaas ah oo la saaro Putin burbur ayaa ka dhalanaya

0
440

Afhayeenka dowladda Ruushka Dmitry Peskov ayaa ka jawaabay hanjabaad ka timid madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo uu u jeediyay dhigiisa dalkaasi.
Biden ayaa wacad ku maray in haddii Ruushku uu weeraro Ukraine ay cunaqabateyn gaar ah ku soo rogi doonaan madaxweynaha wadankaasi Vladimir Putin.
Hasa ahaate afhayeen u hadlay xukuumadda Moscow ayaa sheegay in tallaabadaasi aan laga dhaxli doonin wax aan burbur ahayn.
Waxaa uu xusay in hanjabaadda Biden aynan wax hor u socod ah ku soo kordhinayn dadaallada socdo ee lagu heshiisiinayo waddamada dariska ah.
Dmitry Peskov ayaa warfidiyeenka u sheegay in hadalka Biden uu siyaasad ahaan keliya ahayn mid xanuun leh balse mid burbur horseedaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here