Kalonzo Musyoka oo loogu baaqay inuu taageero musharraxnimada Raila

0
704

Barasaabka ismaamulka Makueni Prof.Kivutha Kibwana ayaa madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ku boorriyay inuu ku biro garabka siyaasadeed ee Azimio La Umoja ee uu hor kacaya Raila Odinga.
Kibwana ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Mtito Andei sheegay inuu diyaar u yahay in isaga iyo Musyoka ay meesha ka saaraan khilaafkooda siyaasadeed oo ayna wada shaqeeyaan.
Mas’uulkan ayaa ku andacoonaya in madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadanka oo ku biiro madaxa xisbiga ODM ay dani ugu jirto bulshooyinka ku nool ismaamullada Machakos, Kitui iyo Makueni.
Waxaa uu ku celceliyay in hoggaamiyaha Wiper laga doonayo inuu la yimaado istaraatiijiyad siyaasadeed si uu ugu guulaysto hoggaanka wadanka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxa ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula oo ay Kalonzo ka wada tirsanayeen isbeheysiga OKA ay shaaciyeen inay la shaqeyn doonaan madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.