Maxkamadda oo siidaysay 6 ka mid ah shaqaalaha shirkadda korontada dalka

0
639

Maxkamadda sare ee dalka ayaa siidaysay 6 ka mid ah saraakiisha sare ee shirkadda korontada wadanka oo dacwado wajahayay.
Tani ayaa timid ka dib markii la waayay caddeymo wax ku ool ah oo shakhsiyaadkan lagula xiriirin karo koronto la’aan labo toddobaad ka hor saameysay guud ahaan dalka.
Waxay ka soo hormuuqdeen garsooraha sare ee maxkamadda xaafadda Kahawa Diana Mochache.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex howlwadeeno oo kale ay iska fogeeyeen dacwad ahayd inay carqaladeeyeen bixinta adeegyada korontada ee shirkadda.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku siidaysay damiin lacageed oo ah min hal milyan oo shilin ama damaanad uu qiimaheedu u dhigmo 2 milyan.