Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Makueni oo go’aan ay qaadatay ku xigeenkiisa ku tilmaamay inay saameyneyso...

Barasaabka Makueni oo go’aan ay qaadatay ku xigeenkiisa ku tilmaamay inay saameyneyso wada shaqeyntooda

Guddoomiyaha ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay tallaabada ay ku xigenkiisa Adelina Mwau ay ugu biirtay xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Makueni Adelina Mwau ayaa saaka lagu soo dhaweeyay xisbiga UDA, xilli uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ku qaabilay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Dr. Ruto ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka kusoo qoray in xisbiga UDA shacbiyaddiiisa si ballaaraneyso islamarkaana saaka lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Makueni.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Makueni Kivutha Kibwana, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay in tallaabada ay qaadday ku xigeenkiisa ay tahay heshiis qarsoodi ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inay saameyneyso wada shaqeyntooda.
Prof. Kibwana ayaa xusay inuu qadarinayo go’aanka Adelina iyo xiriirka wada shaqeynta ee 9-ka sano ay xafiiska wada joogeen, islamarkaana codka shacabka Makueni uu yahay kan xilli walba jihaynaya.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in shacbaka ismaamulka Makueni ay tageersanyihiin garabka Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments