3 qof oo ku dhintay shil ka dhacay ismaamulka Kiambu

0
397

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegaya in saddex qof ay dhinteen halka 10 kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen ka dib shil saaka ka dhacay aaga Kimende ee dowlad deegaankaasi.
Shilka ayaa u dhexeeyay gaari nooca gadiidka dadweynaha ee mataatuda iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga xamuulka ah u kusoo wajahnaa caasimadda dalka ee Nairobi halka mataatuda ay ku sii jeeday magaalada Naivasha.
Saddexda qof ee dhintay ayaa kala ahaa darawalkii mataatuda iyo laba rakaab oo qaybta hore la fadhisay.
Taliyaha booliska ee deegaanka Lari ee ismaamulka Kiambu Steve Kirui ayaa dhanka kale sheegay in darawalkii gaariga xamuulka uu baxsaday islamarkaana haatan lagu raadjooga.
Dadka dhaawacmay ayaa haatan xaaladoodu caafimaad lagula tacaalaya isbitaalka Kijabe ee ismaamulka Kiambu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here