Dowladda oo dhammaadka sanadkan 8,000 oo dugsi gaarsiinaysa adeegga intarneetka

0
445

Dowladda dhexe ayaa shaacisay inuu jiro qorsho ugu dambeyn dhammaadka sanadkan adeegga intarneetka lagu gaarsiin doono 8,000 oo ka mid ah goobaha waxbarashada ee wadanka.
Waxaa hirgelinta mashruucan iska kaashanaya maamulka qaabilsan warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda iyo waaxda bixisa tababarrada sare loogu qaadayo xirfadaha.
Sidoo kale waxaa barnaamijkan qayb ka ah shirkadda adeegyada tiknolojiyadda ee Huawei oo laga leeyahay Shiinaha iyo hay’ado kale.
Xoghayaha waaxda tababarrada iyo horumarinta xirfadaha Alfred Cheruiyot ayaa sheegay inay mudnaanta koowaad siin doonaan dugsiyada ay dhigtaan ardayda naafada ah.
Sidoo kale waxaa intarneet uu xawaarihiisu sarreeya lagu xiriirin doonaa 18,000 oo ah xafiisyada dowladda ,13,000 oo ah xarumo caafimaad , saldhigyada booliska oo gaaraya 400 iyo xarumaha adeegyada aasaasiga ee Huduma oo ah 54.
Waxaa uu xoghayuhu tilmaamay in mashruucan uu qayb ka yahay wanaajinta adeegyada loo fidiyo dadweynaha oo ay ardaydu ka mid yihiin.