Uganda oo ku dhawaad 2 sano ka dib qaadday bandowga habeenkii

0
458

Dowladda dalka Uganda ayaa muddo ku dhow labo sano ka dib meesha ka saartay bandow shaqeynayay 6-da maqribnimo ilaa waa’ bariga oo ay ku xakameynaysay faafitaanka caabuqa corona.
Hasa ahaate waxaa arrintan laga soo reebay gaadiidka mootada oo loo oggolyahay inuu shaqeeyo ugu dambeyn 7-da fiidnimo.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada dib loogu furayo dhaqaalaha wadankaasi.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dib loo eegi doono xayiraaddan weli saaran dhugdhugleyda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here