Militeriga Burkina Faso oo sheegay inay xilka ka qaadeen madaxweynaha dalkaasi

0
373

Ciidamada militeriga dalka Burkina Faso ayaa sheegay in ay xilka ka xayuubiyeen madaxweynaha wadankaasi Roch Kabore.
Waxaa ay sidoo kale laaleen dastuurka dalkaasi,kala direen dowladda iyo golaha shacabka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay xireen sohdinta uu wadankaasi la wadaago dowladaha deriska la ah.
Sarkaal ka tirsan ciidamada militeriga ayaa tallaabooyinkan ka sheegay teleefishinka qaranka ee dalkaasi.
Ciidamada ayaa ku eedeynaya dowladda inay ku guul darreysatay inay siiso taageero ku filan oo ay kula dagaalamaan mintidiinta islmaaiyiinta ah.