Dowladda isu tagga imaaraadka carabta ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay labo gantaal oo la rumeysan yahay inay soo tuurtay kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gantaalladan sidoo kale lagu bartilmaameedsaday boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Hannaanka difaaca ee hawada boqortooyada ayaa laga soo xigtay inay qabteen oo ay soo rideen gantaal lala damacsanaa dhanka koonfureed.
Afhayeen u hadlay kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay gantaallada riddada dheer ku bartilmaameedsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.