DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo maanta shaacinaya musharraxnimadiisa

0
770

Waxaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ka socdo shirweynaha ergada xisbiga ANC.
Hoggaamiyaha xisbigan Musalia Mudavadi ayaa maanta shaaca ka qaadi doono inuu bisha siddeedaad ee sanadkan u tartami doono hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa maalmo ka hor sheegay inuu qaadan doono go’aan gilgilaya saaxadda siyaasadeed ee wadanka.
Senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxa ANC uu diyaar u yahay inuu iskaashi la sameeyo musharraxiinta kale ee xilka madaxweynenimo.
Xisbigan ayaa ka tirsan isbeheysiga OKA oo dhammaan mas’uuliyiinta hoggaamiyo ay doonayaan inay qabtaan talada dalka.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto oo maanta ku sugan ismaamulka Kajiado ayaa soo hadal qaaday go’aanka la filayo inuu Mudavadi ku dhawaaqo.

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa isna ku sugan Nakuru waxaa uuna dadweynaha u bandhigayaa qorshihiisa ku saleysan mideynta shacabka ee Azimio La Umoja.
Mr. Odinga ayaa isku soo baxyo kala duwan ku qaban doono degmooyinka Mwisho wa Lami, Mau Narok, Likia iyo Mauche.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here