Macallin faafiyay inay geeriyootay madaxa fulinta ee TSC oo la xiray

0
449

Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay macallin lagu magacaabo Jeremiah Mwavuganga.
Waxaa loo haystaa qoraal been abuur ah oo uu soo dhigay barta Facebook-ga isagoo sheegaya inay geeriyootay madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia.
Qoraalkaasi ayuu soo saaray isagoo adeegsanaya akoon faalis ah oo uu ugu magacdaray TSC.
Ciidamada booliska ayaa eedeysanaha ka soo qabtay xarunta ganacsiga ee Makutano Shopping Centre ee degmada Nzaui ee ismaamulka Makueni.
Howlgalka waxaa iska kaashaday saraakiisha DCI-da iyo howlwadeenada waaxda sirdoonka ee cilmi baarista la xiriirta falal dambiyeedyada.
Jeremiah Mwavuganga Samuel oo 31 sano jir ah ayaa wax ka dhiga dugsiga hoose dhexe ee Musiini ee Makueni waxaana lagu wadaa in berri maxkamadda la soo taago si dacwad loogu oogo.
Laamaha ammaanka ee wadanka ayaa dhanka kale digniin adag u diray shakhsiyaadka baraha bulshada ku faafiya farriimaha dadweynaha lagu marin habaabinaya.