Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Lugari ee ismaamulka Kakamega Ayub Savula ayaa shaaciyay inuu ka baxay xisbiga ANC oo uu ka ahaa hoggaamiye ku xigeen.
Waxaa uu Savula ku biiray xisbiga (DAP-K)ee uu hoggaamiyo Wafula Wamunyinyi .
Xildhibaanka ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday xarunta dhexe ee xisbiga uu u gudbay isagoo laga dhigaya hoggaamiyaha labaad.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan qaatay ka dib markii uu la kulmay xubnaha qoyskiisa iyo shacabka deegaanka uu baarlamaanka ku matalo ee Lugari.
Ayub Savula ayaa horay u sheegay inuu doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan taageeri doono madaxa xisbiga ODM Raila Odinga isagoo dhanka kale u tartami doono xilka barasaabka dowlad deegaanka Kakamega.
Waxaa tallaabada uu qaaday xildhibaan Ayub Savula soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Eugene Wamalwa oo xisbiga DAP-K ku tilmaamay mid ay sii kordheysa saameyntiisa gudaha wadanka.