Waxaa lagu soo warramayaa in duqeymo uu isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hoggaaminayo uu ka gaystay xabsi ku yaalla dalka Yemen lagu dilay in ka badan 70 qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in dhimashada ay sii kororto maadaama uu dhaawac badan oo halis ah jiro.
Isbeheysigan ayaa sheegay inuu sare u sii qaadayo bartilmaameedsiga ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda Yemen.