Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo dhigiisa Ruushka oo kawada hadlaya xiisadda sii xumaanaysa ee Ukraine

0
541

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo wadahadallo ku saabsan xiisadda Ukraine ku yeeshaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland..
Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo aadayo iyo Mareykanka uu xulafadisia ka raadinaya ballanqaadyo ku saabsan sida looga jawaabi karo haddii Moscow ay horay u sii waddo duullaanka ay ku hayso dowladda deriska la ah ee Ukraine.
Maraykanka ayaa ugu baaqay Ruushka in uu dib u celiyo kumanaanka askari ee uu ku uruuriyay meel u dhow xadka Ukraine, isagoo ka digay duulaan kasta oo ay kaga jawaabi doonaan jawaab degdeg ah.
Tani ayaa imaanaysa ka dib toddobaad ay socdeen wada hadallo dibloomaasiyadeed oo u dhexeya Maraykanka, Ruushka iyo gaashaanbuurta NATO in kastoo aan lagu guulaysan.
Dadaalladan ayaa looga gol-lahaa in lagu dejiyo xasaradda ka taagan xadka ay wadagaan waddamada Ruushka iyo Ukraine.
Ruushka oo lagu eedeyay inuu qorsheynayo inuu ku duulo Ukraine ayaa horay iskaga fogeeyay eedeyntaasi.