Raila oo aan lagu casuumin shirka ANC ee maalinka Axadda

0
442

Xoghayaha guud ee xisbiga ANC Simon Gikuru ayaa sheegay inaysan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga u fidin casuumaad la xiriirta shirweynaha ay qabanayaan 23-ka bishan oo ku began maalinta Axadda.
Mr. Gikuru ayaa hoosta ka xarriiqay in shirka lagu marti qaaday mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan isbeheysiga OKA ee kala ah Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula.
Waxaa uu ku celceliyay inaysan suurtagal ahayn in la casuumo Raila iyo siyaasiyiinta Jubilee maadaama uu tartan kala dhexeeyo xisbiga ANC.
Waxaa maalinkaasi magaalada Nairobi kulan ku yeelan doono wufuud heer qaran ah oo matalaysa ANC.
Madaxa xisbigan Musalia Mudavadi ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u shaaciyo inuu bisha siddeedaad ee sanadkan u tartami doono xilka madaxtinimo ee wadanka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa maalmo ka hor shaaciyay inuu qaadaya tallaabo gilgili doonto saaxadda siyaasadeed ee wadanka.