Ugu yaraan 17 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 59 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu gubtay baabuur siday waxyaabaha qarxa oo marayay galbeedka wadanka Ghana.
Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in shilkan uu yimid ka dib markii baabuurka ay mooto ay isku dhaceen ka hor inta uunan dab ka kicin.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow magaalada Bogoso oo ilaa 300 oo kiilomitir dhanka galbeed kaga began caasimadda Accra.
Wasiirka warfaafinta ee Ghana oo dhacdadaasi nasiib darro ku tilmaamay ayaa xaqiijiyay khasaaraha isugu jiro dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay.
Kojo Oppong Nkrumah ayaa bayaan uu xalay soo saaray ku xusay in baabuurka saddexaad uu shilka qayb ka ahaa.
42 ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa hadda isbitaallada lagu daweeynaya iyadoo qaar ka mid ah ay xaaladooda caafimaad liidato.
Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa arrintan ku sheegay mid xaqiiqdii argagax leh.