Hay’adda Maraykanka ee horumarka caalamiga ee USAID ayaa ka baaran degaysa in ay dhaqaalaha ay bixiso si toos ah ugu hagaajiso dowladaha ismaamullada iyadoo aan loo marin wasaaradaha dowladda dhexe.
Arrinkan ayaa shaaca laga qaaday xilli uu dhacay kulan wada tashi ah oo ay yeesheen golaha barasaabyada ismaamullada ee (COG) iyo wakiillo hay’adda matalaya.
Golaha guddoomiyaasha dowlad deegaannada ayaa hay’adda USAID ka codsaday in taageerada ay u fidiso ay ku kordhiso saddex sano.
Agaasimaha howlaha USAID ee dalka Mark Meassick ayaa xusay in ay codsigan tixgelinayaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in boqolkiiba 85 ee miisaaniyad sanadeedka ay USAID bixiso oo ah 500 oo milyan oo doolar loo adeegsado mashaarciida horumarineed iyo kuwa beeraha ee ismaamullada.
Mr. Mark ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii lacagaha deeqaha ay si toos ah ugu wareejin lahayeen dowlad deegaannada.
Guddoomiyaha golaha COG ahna barasaabka ismaamulka Embu , Martin Wambora ayaa dhankiisa carrabka ku dhuftay in hay’adda USAID ay kula heshiiyeen in ay wax ka qabato caqabadda dhanka cunno yarida ee ka jirto wadanka