Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay shalay soo gabagabeysay dhageysiga dacwado ku saabsan BBI.
Muddo saddex cisho ah ayay garsoorayaasha ay hoggaamiso madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome dhageysanayeen qareeno matalaya dhinacyada doonaya in la ayido go’aanadii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ay ku laaleen BBI iyo kuwa arrintaasi ka soo horjeeda.
Martha Koome ayaa sheegtay inay soo bandhigi doonaan wargelin ku aaddan xilliga ay maxkamaddu ku dhawaaqayso go’aankeeda kama dambeyska ah ee arrinkan ku saabsan.