Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xukuumadda Washington iyo saaxiibadeeda galbeedka ay si laga mideysan yahay uga falcelin doonaan daandaansi kasta oo uu Ruushka kula kaco dalka dariska la ah ee Ukraine.
Waxaa uu tilmaamay in falcelintu ay noqon doonto mid aan fududeyn oo degdeg ah.
Ruushka oo lagu eedeyay inuu qorsheynayo inuu ku duulo Ukraine ayaa horay iskaga fogeeyay eedeyntaasi.