Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa lagu soo warramayaa in haweeney lagu magacaabo Aneeqa Ateeq ay dil ku xukuntay.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu soo oogay dacwad ah inay barta la isugu diro farriimaha degdegga ee Whatsapp-ka ay ku faafisay sawirro lagu aflagaadeynayo diinta islaamka si gaar ah nabi Maxamad iyo xaasaskiisi.
Waxaa xukunka ridday maxkamadda magaalada waqooyi ee dalkaasi ee Rawalpindi.
Warbaahinta Aljazeera ayaa ku warramaysa in tan iyo sanadkii 1990, ugu yaraan 80 qof oo dilay eedeymo la xiriira inay u gafeen sumcadda diinta islaamka.