Weerar dhanka intarneetka oo saameeyay xogta Laanqeerta Cas

0
209

Guddiga caalamiga ee hay’adda laanqeerta cas ee ICRC ayaa sheegaya in weerar dhinaca intarneetka ah oo lagu bartilmaameedsaday keydkooda lagu helay xogta 515,000 qof oo ka mid ah dadka u nugul dhibaatooyinka.
Macluumaadkan loo dhacay ayaa lagu tilmaamay kuwo sir ah.
Guddiga oo uu fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay inuu weli baarayo cidda ka dambeysay falkan oo aan weli la aqoonsan.
Dadka xogahooda loo dhacay waxaa ka mid ah kuwo ay dagaallo ama musiibooyin kala geeyeen xubnaha qoysaskooda , kuwo la la’yahay , eheladooda ama shakhsiyaad xabsiyo ku jiro.
Agaasimaha guud ee ICRC Robert Mardini ayaa bayaan ku sheegay in macluumaadka dad maqan oo la dusiyo ay sare u sii qaadayso walaaca ay wajahayaan qoysaskooda.
Waxaa uu intaasi ku daray inay la yaab ku noqotay in intii xog baniaadannimo la bartilmaameedsado ka dibna la farageliyo.