Maxkamadda deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa maamulka xarun caafimaad oo ku taalla Mombasa ku amartay inuu bukaan siiyo lacag dhan 2 milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa lagu sheegay mid magdhow ah maadaama bukaanka lagu sameeyay baaritaan aan sax ahayn oo ku saabsanaa cudurka kansarka.
Waxaa go’aankan oo ka dhan ah isbitaalka Jamu Imaging Centre soo saartay garsoore Julie Oseko .
Lacagta ayaa la siinaya Roberto Macri iyadoo lagu saleynayo in shaqaalaha xaruntaasi ay muujiyeen dayacaad mas’uuliyadeed.