Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha sharciga, cadaaladda iyo xuquuqul aadanaha ayaa maanta billaabay inuu dhagaysto aragtida dadweynaha ee ku aaddan isbeddelo muran dhaliyay oo la doonayo in lagu sameeyo xeerarka siyaasadeed ee wadanka.
Waxaa soo jeedinta qayb ka ah in xisbiyada siyaasadeed loo beddelo isbeheysiyo.
Kulamadan ayaa socon doono labo cisho waxaana dadweynaha fursad loo siinayaa inay aragtidooda ku biiriyaan arrintan.
Maalinkii Talaadada ee toddobaadkii hore ayay ahayd markii hindisahan oo ka soo gudbiyay baarlamaanka la hor geeyay senate-ka.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa kenyaanka u xaqiijiyay inay hindisaha si qoto dheer uga doodi doonaan ka hor inta aan loo codeyn.
Ka dib markii uu maray akhrinta koowaad ayuu guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka u xilsaaray guddiga arrimaha sharciga, cadaaladda iyo xuquuqul inskaanka inuu shacabka u bandhigo.
Aqalka senate-ka ayaa la filayaa inuu 25-ka bishan yeesho kal-fadhi kale oo gaar ah.
Senatarrada ayaa fursad u heli doono inay markii labaad akhriyaan dokumeentiga hor yaalla si ay uga doodaan.