Waxaa maanta magaalada Garissa lagu qabanayaa munaasabad ay wasaaradda arrimaha gudaha aqoonsiga qaran oo gaaraya 14,700 ku siin doonto kenyaanka horay iskaga diiwaangeliyay hay’adda UNHCR ee macluumaadkooda laga saaray faraha qaxootiga.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Wajeer Prof. Maxamuud Sheekh Maxamad Oomaar ayaa warbaahinta Star uga warramay arrintan isagoo faahfaahin ka bixiyay saameyntii ay shacabka ku yeelatay.