Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo u safraya Ukraine

0
562

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
Tani ayaa imaanaysa ka dib toddobaad ay socdeen wada hadallo dibloomaasiyadeed oo u dhexeya Maraykanka, Ruushka iyo gaashaanbuurta NATO in kastoo aan lagu guulaysan.
Dadaalladan ayaa looga gol-lahaa in lagu dejiyo xasaradda ka taagan xadka ay wadagaan waddamada Ruushka iyo Ukraine.
Dowladda Ruushka ayaa lagu eedeyay inay soodhintaasi gaysay ciidamo badan si ay ugu duusho Ukraine balse waa ay iska fogeysay.
Tallaabada Ruushka ayaa la sheegay inay abuurto cabsi laga qabo duullaan la mid ah midkii ay xukuumadda Moscow sanadkii 2014-kii ku goosatay gobolka Crimea.
Blinken ayaa sidoo kale la filayaa inuu berri kulan la qaato madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Dmytro Kuleba sida ay shaacisay waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price ayaa sheegay in Blinken uu dowladda Ukraine u muujin doono sida uu maamulka Joe Biden u garab taagan yahay si ay qayb uga qaataan ilaalinta madax bannaanida iyo xuduudda wadankaasi.