Muxuu yahay mowqifka dowladda Uk ee aqoonsiga Somaliland?

0
419

Dowladda UK ayaa war kasoo saartay halka ay ka taagan tahay aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland, xilli uu baarlamaanka dalkaasi maanta billaabay dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Victoria Grace Ford, oo ah wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wadankaasi ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira darajada Somaliland.
“Doodda aqalka baarlamaanka Uk waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is beddelin ee dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland.
“Waa howl u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda, Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland” ayay ku tiri qoraalkeeda.