Maxkamadda ugu sarreysa dalka oo maanta dhageysanaysa dacwadaha BBI

0
715

Waxaa xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court maanta ka billaabanaya dhageysiga dacwado racfaan ah oo looga soo horjeedo go’aankii maxkamadda racfaanka ay horay uga qaadatay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki, madaxweyne Uhuru Kenyatta, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa doonaya in waxba kama jiraan laga soo qaado go’aankii dhinac la iskaga dhigay qorshaha lagu beddelayo xeerarka dastuuriga ee dalka.
Dhageysiga dacwadaha ayaa socon doono ilaa maalinta Khamiista ee toddobaadkan.
Qareennada matalaya dhinacyada aanan weli ku qancin in BBI ay sharci darro tahay ayaa fursad u heli doono inay doodahooda soo bandhigaan.
Dhinac kasta waxaa matalaya labo qareen iyadoo la siinayo 45 daqiiqo.