ODM oo beenisay inay ka dambeysay rabshadii ka dhacday Embakasi

0
721

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn loo jeediyay oo ahayd inay soo abaabuleen iskudaygii Axaddi lagu doonayay in la carqaladeeyo isku soo bax siyaasadeed oo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ku qabanayay fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi , magaalada Nairobi.
Dhaliishan ayaa waxay uga timid xisbiga UDA ee lala xiriiriyo Ruto oo laamaha ammaanka ka dalbaday inay baaritaano sameyaan ka dibna ay qaadaan tallaabo sharciyeed oo lagula xisaabtamayo dadkii ku lugta lahaa qalalaasahaasi.
Sifuna ayaa arrintan ku tilmaamay mid garab xulafo la ah hoggaamiyaha labaad ee wadanka ay ku doonayaan inay dareenka shacabka uga weeciyaan eedeymo ku aaddan kicin dadweyne oo loo haysto.
Waxaa uu intaasi ku daray inay doonayaan in baaritaano wax ku ool ah lagu sameeyo sida ay ku suurtagashay in dhallinyaro dhagaxaan adeegsanaya ay rabshad kiciyaan ka hor inta aynan saraakiisha ammaanka kala eryin.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama oo bayaan soo saaray uu sheegay in ODM ay ka dambeysay falkaasi hasa ahaate xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa taasi iska fogeeyay.