Musharrax madaxweyne Jimmi Wanjigi oo sheegaya in xafiiskiisa howlgal laga sameeyay

0
319

Ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi sidoo kalena ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan ayaa sheegaya in xalay xafiiskiisa deegaanka Westland see magaalada Nairobi laga fuliyay howlgal amni.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay halkaasi tageen dembi baarayaal howlgal sameeyay in kastoo aan cidna la xirin.
Jimmi Wanjigi ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta maxalliga ee Citizen ku sheegay in arrintan ay dhacday abaare 9:30 fiidnimo ee xalay.
Waxaa uu xusay inuu aaminsan yahay in lagu bartilmaameedsanayo mowqifkiisa siyaasadeed.