Waxaa lagu soo warramayaa in dibadbaxyo ka dhacay dalka Suudaan ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.
Dadka ayaa weli muujinaya sida ay uga soo horjeedaan afgembigii militari ee wadankaasi ka dhacay 25-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Ilaa iyo hadda waxaa dibadbaxyada iyo falcelinta ciidamada ammaanka ku dhintay 67 qof.