Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay hoggaamiyaha Hungry

0
754

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo marwada koowaad Margaret Kenyatta ayaa madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha dalka Hungry Janos Ader oo ay wehliso marwada 1-aad ee wadankaasi Anita Herczegh.
Madaxweynaha Hungry Janos Ader ayaa lagu soo dhaweeyay 21 rasaas sharafeed ah.
Goor sii horreysay ee maanta ayaa madaxweynaha Hungary oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa booqasho ku tagay xarunta warfaafinta ee qaramada midoobay ee xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi, islamarkaana uu halkaasi geed ku beeray.
Waxaa sidoo kale la baray madax sare oo ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan guriyeynta ee UNHABITAT iyo saraakiil ka socotay hay’adda jimciyadda qurumaha ka dhexeyso u qaabilsan deegaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNEP.
Mr. Ader ayaa Kenya ku sugnaan doono muddo afar cisho ah, wuxuuna booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Kenya kaga faa’iidaysan doonaa inuu wadahadal laba geesood ah la qaato madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa la filayaa in labada hoggaamiye ay kala saxiixdaan heshiis dhowr ah oo diiradda lagu saarayo danaha 2-da dal.
Dowladaha Kenya iyo Hungary ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir laba geesood oo taariikhi ah kaasoo soo jiray tan iyo sanadkii 1964 xilligaas oo ay Hungary safaarad ka furatay magaala madaxda wadanka ee Nairobi.