Labo arday oo biyo ku dhintay iyagoo sawirro qaadanaya

0
380

Waxaa lagu soo warramaya in labo ka mid ah ardayda machadka tababarka farsamada ee Michuki ee ismaamulka Murang’a ay biyo ku dhaceen kadibna geeriyoodeen xilli ay sawirro iska qaadayeen.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay galinkii dambe ee shalay.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in labada arday ay ka mid ahaayeen koox saaxiibbo oo goobta loo yaqaano Karuuga waterfalls u tagay inay ku soo damashaadaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadh ardayad ah ay biyaha ku dhacday xilli ay isa sawiraysay waxaana ka daba tagay wiil doonayay inuu soo badbaadiyo.
Ilaa iyo hadda labaduba weli lama aqoonsan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in galinkii dambe ee shalay ilaa iyo hadda ay socdaan howlaha samatabixinta.