Iyadoo maanta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu billaabayo wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa waxaa baaq arrinkan ku aaddan loo diray dadweynaha ku nool deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa.
Ibraahim Xasan Raage oo ka mid ah siyaasiyiinta Dadaab ayaa shacabka ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursaddan si ay uga qayb qaataan doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan