Madaxweynaha Hungary oo dalka safar ku yimid

0
500

Waxaa dalkani Kenya safar rasmi ah oo qaadanaya afar cisho ku soo gaaray madaxweynaha wadanka Hungary János Áder.
Mas’uulkan oo ay weheliso marwada koowaad ee dalkaasi Anita Herczegh ayaa waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Raychelle Omamo iyo dhigeeda isgaarsiinta Joe Mucheru .
Madaxweyne Áder ayaa la filayaa inuu wada hadallo laba geesood ah la yeesho dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.
Hoggaamiyaha dalka iyo marwada koowaad Margaret Kenyatta ayaa martidan maanta ku qaabili doono madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Kenya iyo Hungray ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo taariikhi ah kaasoo soo billowday sanadkii 1964-tii xilligaas oo ay Hungary safaarad ka furatay magaalada Nairobi.