DHAGEYSO:Mudavadi oo kenyaanka ballamiyay 23-ka bishan

0
448

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa shacabka ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan oo ayna dhagta u taagaan tallaabo wayn oo uu qaadi doono 23-ka bishan koowaad.
Go’aanka uu qaadan doono xisbiga uu hoggaamiyo ayuu Mudavadi sheegay inuu gilgili doono saaxadda siyaasadeed ee wadanka.
Waxaa taariikhdaasi la qabanayaa shirweynaha qaran ee wufuudda xisbiga ANC.
Musalia Mudavadi oo shalay warbaahinta kula hadlay ismaamulka Nyamira ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahiyo qodobbada shirka NDC diiradda lagu saari doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuusan marnaba ka tanaasuli doonin inuu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya wadanka.

Hadalka madaxa ANC ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kala qaybsanaan ka dhex jirto xisbiyada ku midoobay isbeheysiga OKA ee kala ah ANC, Wiper , KANU iyo Ford-Kenya oo mas’uuliyiinta ugu sarreysa aynan weli ku heshiin cidda ku matalaysa loolanka madaxtinimo ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.